Posts

Showing posts from December, 2016

Kaaftoon (Gabay): Ku saaban arima dhowwra

Image
Aadanoow nin kaaf gabay tirshoo lagu karaameeyay oo kadeed   u marin baan ahoo sahal u keeynaasha   sida qori rasaas loo kamilay oo keeydku tiro dhaaafay   oo keebka loo yara qabtaan soo kilkilayaaye aan u kaco amuur wadara baan kuu kulminayan dhaaxuu jaceeyl koris galaa amasa koolkoolin dhaaxaa la kabiyaa sidii ubad karaameeysan haduu kororo uu gaaro halki lagu kifaaxaayay mar hadeey karuur sheekadiyo hadalka soo koobto oo aay kaalintaadiyo timaad odaya ii keenso oo kaashna kama maarantee kumina aad heeysan kadeed weeye xaajadaan horaan loogu kuur galine jugta kugu dhacdaa baad qalbiga waayo kahataaye intaan keeyd xusuus ururin laa murugna kiish buuxa kol hadaan fuluus heli kareeyn dumar la koodkiisa inaan libin ka keeneeynin baan ugaga kaaftoomay koox koox ayaa waa baryaa loo kalahayaaye kob shisheeye baa loo socdaa kanada meesheed keeynaan dhaqaajinahayiyo buufisaa karine ma aqaan wax laga soo kasbado waasa loo kudaye liidnimada ayag...

Afka hooyo {Gabay}:ku saabsan af-soomaaliga

Image
waa gabay ka hadlaya afkeena hooyo iyo maanta waxa uu ku suganyahay waxaanan curiyay 20/1\2016. waxaa ii muuqato ineey bulshadu gabtay kaalinkeedi ku aadanaa dhoowrida ahaanshaheeda. 1. Alif gabay baryahan waan ka tagay udub dhigiisiiye 2. Iska daayay maansiyo tix iyo ololaheediiye 3. cid u ooman baan waayay oo aaway oraneeysa 4. hayeesheese aminkaan rakaa urur dareen roone 5. idhageeysta cahtanaan aqriyi amaradeeydiiye 6. ega hore salaan baan dhamaan idin gudoonsiine 7. tan xigtana alaa mahad is kaleh idil ahaanteede 8. naga dhiyay islaam iyo dad garan erayga diineede 9. sina aan af iyo nooga qadin idil ahaan ciide 10. idinkuna mahdiya waan hubood ku aflaxeeysaane 11. intaa waa intaa ee hadaan dib ugasoolaabto 12. ulajeedka aan rabo hadaan ooga ka cadeeyo 13. afka hooyo waa maalintii lagu ilaaleeyay 14. u dabaaldagiisiyo mashxarad waanu aragnaaye 15. afka iyo maxaa uurkayaga kala aheeysiiyay 16. damiirkii maxaa eeynabuu uga xajiimooday 17....