Afka hooyo {Gabay}:ku saabsan af-soomaaliga

waa gabay ka hadlaya afkeena hooyo iyo maanta waxa uu ku suganyahay waxaanan curiyay 20/1\2016. waxaa ii muuqato ineey bulshadu gabtay kaalinkeedi ku aadanaa dhoowrida ahaanshaheeda.

1. Alif gabay baryahan waan ka tagay udub dhigiisiiye
2. Iska daayay maansiyo tix iyo ololaheediiye
3. cid u ooman baan waayay oo aaway oraneeysa

4. hayeesheese aminkaan rakaa urur dareen roone

5. idhageeysta cahtanaan aqriyi amaradeeydiiye
6. ega hore salaan baan dhamaan idin gudoonsiine
7. tan xigtana alaa mahad is kaleh idil ahaanteede
8. naga dhiyay islaam iyo dad garan erayga diineede
9. sina aan af iyo nooga qadin idil ahaan ciide
10. idinkuna mahdiya waan hubood ku aflaxeeysaane
11. intaa waa intaa ee hadaan dib ugasoolaabto
12. ulajeedka aan rabo hadaan ooga ka cadeeyo
13. afka hooyo waa maalintii lagu ilaaleeyay
14. u dabaaldagiisiyo mashxarad waanu aragnaaye
15. afka iyo maxaa uurkayaga kala aheeysiiyay
16. damiirkii maxaa eeynabuu uga xajiimooday
17. af-qalaad xafiisyada maxaan kaga adeegnaa bal
18. ilinkaan istaagnaba maxaa suray amah qaana
19. ingiriiska yaa nagu daroo ooshayadi qaaday
20. abtirkeedi yaa rogay koleey waa Ayaan li’iye
21. idilkeed aduunyada intaa uunka wada saran
22. nin walbaa intii lagu galad waa ilaashadaye
23. soomaalaay intii uguma xumid eel kalaa jira e
24. ergeeysiga dan maahee ka faan waad ajaranteene
25. hodonimo afkaadaa ka wacan yurub idlaanteede
26. afrikadana koow baad u tahay eray dhigaaleede
27. aradkaasa wada jeceshihiin amar ilaaheeye
28. been iyo or maahoo run baan lagu arooraaye
29. afka hooyo ku idiin badalo ma arki doontaane
30. ilaashada asaad leedihiin suu ahaadaba e
31. adoonsaad ku nooshahay jahliga iba tirkiisiiye
32. ileeyskii tacliintiyo ma helin unugyadeediiye
33. eelkaa waxaa dhigay afkood ka asal guurteene
34. saboolnimo aqliga kaa gashaan daawo loo arage
35. asaagaana waad kaga hartaa aayo li’idaaye
36. isxisaabsha gobi waa ineey dib isu eegtaaye
37. intaa waa intaa ee hadaan dib ugasoolaabto
38. Balmaan eray dardaaraana warkaba ugu danbeeysiiyo
39. Ururada waxbarasha ilaa aqalka doowloo dhan
40. Idilkeed bulshada iyo intaan eray wadaagnoo dhan
41. Dar dar galin afheenaa dhamaan waa in loo kaca e
42. Waa in loo adeegsado dhamaan idil ahaan hoowle
43. Waa in aan ku baranoo wax oo kaga baxnaa oone
44. Waa in daabcaad idil ahaan lagu ogaadaaye
45. been iyo or maahoo run baan lagu arooraaye
46. afka hooyo ku idiin badalo ma arki doontaane
47. ilaashada asaad leedihiin suu ahaadaba e

Comments

CJ Media said…
waa sax inaan dhoowrno afkeena hooyo
Anonymous said…
Afka Hooyo Waa Hodan
Afka Hooyo Waa Qani

Qofkasta Oo Somali Ah Waxaa Waajib Ku Ah Inuu Xil Iska Saaro Mid Ku Dhaw Ka Sharaftiisa Uu Iska Saaro.

Popular posts from this blog

Guubaabo ( Gabay) 09-02-2017.

Sooyaalka qorista Far Soomaaliga