Guubaabo ( Gabay) 09-02-2017.


Tixdan waxa aan tiriyay Habeenkii doorashada maalintii xigtay, waana guubaabo, hanbalyo iyo dardaaran ka bogosho wacan.





1.     Waayaahanba gabay leeyga waa iyo jiifto meel gal ehe
2.      Ilaamaa gugii aan ka nimid waa nigii galine
3.     Waa nigii ka gabshoo xanibay gabi ahaantiise
4.     Maantase inaan soo gudbiyo ii gudboontahay
5.     Guushuu shacbigayaga heluu goluhu soo hooyay
6.     Geearaaro iga mudan iyo inaan sumad ku gaaryeelo 

7.     Gabre iyo waxaan xabashi tusay nimanka gaagaaban
8.     Gumeeysigi dahsoonaa wixii xalay la gaarsiiyay
9.     Shisheeyaha garneeylkii  heluu wali la gaabsaayo
10.  Kukuuyadii gadii lagu falaan farax gariiraa e

11.            Golaheena shacabkiyo kan sare yoolki muu gafine
12.            Heeryadii ganbiye waayo badan nagu dul goowtiirtay
13.            Sooyaalka sheey galahayeey nagu gudoonsheen e
14.            Gobonimo ayeey muujiyeen guulaheey mahah e

15.            Rajo aanu goobeeynay beey nagu gargaareene
16.            Galiinkiyo dhanbaalkaan dirneey naga garaabeene
17.            Goblan maahin maantoo hubaal geesiyaa kacaye
18.            Nimankii gobaad maalilaa goobta soo gala e

19.            Hadii aay wax badan naga gurneyd godoshey jeerkaane
20.            Gaawuhuba wuu buuxsamaa gu’ iyo deeyrtaab e
21.            Gacaltooyo beey wada jir dhami goboladeeniiye
22.            Guushaan rabigi noo sugoow mahadi kuu gooni

23.            Afartaa gorfeeyaye hadaan gobo’ kaloow laabto.
24.            Garhayaha la doortee tashiga gacanta saaray
25.            Gudoonshahan xilkii loo igmaday amarka guudkeena
26.            Geediga hor qaba aanu niri galinkan aan joognoo.
27.            Gabaygi fariintaan ku sina weey  gudboontahaye
28.            Waa dardaaran iyo guubaabo ee idinku gaarsiiya.

29.            Madaxweeyne guud ahaan shacbigu gobolkastuu joogo.
30.            Isagoon qabiil gaara iyo qolo ka goows heeysan
31.            Isu guuxe jeerkii la yiri waa garhayihiin e
32.            Magaalooyinkii wada gilile jiifna ugu guur e
33.            Farxad beey la galalafahayeen leeylki gabigiise
34.            Marxabiyo gudoon beey hayeen soo gal mudanoow e
35.            Kalsooni baa garkaa joogta ooy kuula go’ayeene
36.            Ilmo gobo’ la tiri qiiro baa gaadhay gibilkiiye
37.            Hankeennaa inaad gaabin baa iga ah guubaabo

38.            Gayigii abaarbeey dadkii wada go’aayeen e
39.            Gaajadu naf iyo maalba waa aay gaalafateye
40.            Wax gargaara wali maanay helin gabi ahaantode
41.            Galad eebbe mooye manaba sugi gacan shisheeyaade
42.            Gurmad keed inaad barri gashaa ig ah guubaab

43.            Gu’yaal badan tashiga reer tolkaa yuu galbeed jiraye
44.            Danleey garab og iyo waxaan hantiyay gaalo iyo jaane
45.            Nin walbaana geestuu xiguu boob kasoo galaye
46.            Libaaxuba nin ganay waa yaqaan iyo kii galad jeere
47.            Gadigeenna waan wada ognahay gocashadeenaase
48.            Godobteenu ruuxeey jirtna foodda waan galine
49.            Ka horoow gardaadshaan rabnaa geeya meel sara e
50.            Go’aankeenna kuu dhiibannoo saarnay gacantaa e
51.            Balan nala gal inaad duul qarsoon guriga noo jiifin
52.            Hadii samada guudkeeda iyo baddaha loo guuri
53.            Ineey adiga kaa soo go’adaa iga ah guubaabo.

54.            Dabki shalayto qarankeena gubay ee galinkan qiiqaayo
55.            Geeri iyo rafaadkiyo nabaday dhaawacay iyo gaajo
56.            Gayigiina aan ugu qaxnnee nacab na hoos geeyay
57.            Oo qaxooti gadigood ka dhigay gabanadeeniiba
58.            Ooy dunidu nagu gaarsirtooy nagu gariifeeyso
59.            Waa cudur innoo gaara oo aanu garaneeyno
60.            Waa qabyalad waxa aan gadaan gabiskow nahaye
61.            Dawadeed inaad goobto baa iga ah guubaabo


62.            Gobolada dalkeennoo waqtigan midiba gees joogo
63.            Oo xeeynba gaar loo horoo cadawgu googooyay
64.            Adis looga guuxoo mar qura wada gucleeynaaya
65.            Gumeeysiga shacbigan lagu haye guurtay rajadiisu
66.            Mideeyntiis inaad goobto baa iga ah guubaabo


67.            Garabkiyo isriixiyo musuqa leeysu gacaleeysto
68.            Doowladnimada guri beel sided lagu guraabaaso
69.            Damac ruux u gooniya misana shaati loo galiyay
70.            Waawareeyda aay gurahayaan sharaf ma gaarooyin
71.            Danti guud ayeey gaasirtoo leesyku garay taase
72.            Gad ka duwan tabtii aan niqiin sabanadii guuray
73.            Gulufkeed inaad muujisaa iga ah guubaabo


74.            Afartaa gorfeeyaye hadaan gobo’ kaloow laabto
75.            gunud shacabka aan oranayaan soo gudbinayaaye
76.            geesigu wuxuu libin hantaa jeer la garab joogo
77.            godintuba ma gooydeen hadaan geedka lagu daabin
78.            ku gargaara hoowshiyo xilkaan gurada loo saaray
79.            ducadana ku kaba geedigeey sahal ku gaarsiine.

80.            Afartaa gorfeeyaye hadaan gobo’ kaloow laabto
81.            tix waa gunaanude baryaha guulle ku af-meeray.
82.            guulloow abaaraha jiree gobolka naafeeyay
83.            guulloow ma moogide waxaa uumiyihi gaaray
84.            gacantaada mooyee cid kale yaan ka gooyn karin
85.            raxmadaada garsii raboow waa la go'ayaaye

86.            gulloow shacbigu waayo beey kala go'doomeene
87.            guulloow midnimo weey rabaan gabi ahaantoode
88.            ku gargaar aduun baa karoon kuu galiin ahaye


W/T: C/laahi Daahir

Comments

Popular posts from this blog

Afka hooyo {Gabay}:ku saabsan af-soomaaliga

Sooyaalka qorista Far Soomaaliga