Aaskii Qabyaalada ee xiligii kacaanka (Sheeko Gaaban)
Hadda ka hor waqtigii kacaanku soomaaliya ka talinaayay baa waxaa la yiri meel-fagaaro ah baa la isugu yimid si loo xabaalo qabyaalada, dadkuna dhamaan wuxuu u arkayay ineey tahay xal. Balse ayadoo duugisti loo joogo baa waxaa yimid nin aan u war heeyn arinta socoto balse soo raacay dadka buuqa iyo dadkan badan ee kobta ku soo ururay.
Ninkiibaa xuuraansi iyo toyosho ka dib ogaaday in la doonayo in la aaso qabyaalada baas umadda kala fogeeysay, si loo helo Midnimo iyo is jeceeyl. Ninkiibaa intuu orday isdul taagay xabaashi ayadoo ciidi lagu bilaabay, markuusbuu inta afka labadiisa yeeray ku qeeyliyay “ ka joogaaaaay yaaan la duugineeeeeeey” mar kaliyaa waxaa is rogay dareenkii dadkii u jadbeeysnaa ciribtirka qabyaalada, caradi warkii ninka aay ka qaadeen beey xagiisa isusoo maqiiqeen waxeeyna ku sigteen ineey nafta weeysiiyaan.
Nasiibwanaagse waxaa kala dhexgalay ciidamdii goobta joogay, markii xaaladi la dajiyay baa ninkii wareeysi loogu dhaqaaqay. Waxaa la weeydiiyay, sababtu uu uga horyimid in xabaalo qabyaalda.
Ninkii baa ku warceliyey “ in aanu qabyaalada dabar jarnaa waa sax balse yaan la aasin. Waxaan saas u leeyahay, waxaad karfanta isu keenteen qabyaaladi kali-kaliga ah na dhibtay waadna ku mideeyseen, hadii la aaso waxaa dhicikarta ineey Taranto oo dibna loo xidid siibi waayo”.
Dadkiibaa qoslay oo ninkii u qaatay inuu yahay qof waalan oon maanka la’ kana dareeroo hoowshoodi dhameeystirtay. Balse waqti ka dib baa la ogaaday in qabyaaladi waagaas la xabaalay aay noqotay geed jirid weyn oo xidideeystay.
Comments