"BATTERY LOW" Sheeko Xiiso badan.



Gabadhu waa ka baqi jirtay hooyadeed sababtoo ah dabo-gal ba'an ayeey ku heeyn jirtay. waxa aay aheeyd arday wax barta, saas ooy tahay hadana waxaa jiray wiil aay sheeko ka dhexeeysay oo aay aad isugu dheeraayeen cabsida aawgeedna waxa aay la dhuuman jirtay Mobile-ka marka aay dooneeyso ineey lahadasho fiidkiiba haaw badnaatee.

Hooyadu si aay gabadha u mashquuliso ayeey dhihi jirtay kolka hoowsha ka yaraato fiidkii "iska aqri casharadi aad soo qaadatay maantay". gabadhuna gudaha ayeey gashaa saaxiibkeed uun beey aqridaa ayana.

Marki danbe hooyadi ayaa waxa aay dareentay in gabadhu duruus kale muraajaceeyso Mobile-kuna macalin ka yahay, inta aay timid beey ku tiri " hooyo talefanku wuu ku mashquulinayaaye keen aan kahayee inta aad casharada aqriyeeyso hadhoowna iga qaado". ileen xiliga jiifka hooyada iyo gabadhu weey wada seexdaan.

Intaas marki aay maqashay baa inanti kurbo leeysugu keenay, saa waxa aay ogtahay in taleefoonka lasoo wacayo hooyadeed qabaneeyso sirteeduna aay dabada imaaneeyso. hadaba soow ineey maskaxda ka shaqeeysiiso maaha.

Inyar marki aay beey go'aan qaadatay, waxaa ugu darnaa wiil saaxiibada ahaayeene waxa aay sameeysay meeshi uu ku qornaa magaciisa (contact name) ayeey ku badashay "BETERY LOW" codkina weey ka xirtay weeyna u dhiibatay talefanki.
Xoogaa ka dib wicitaan ayuu soo bilaacay wiilkii,Mobile-ki leeyrka shaashada ayaa soo daarma, hooyadu hadeey eegto waxaa soo qormaya "BETERY LOW", jaajarkeey ayaduna ugu dadaashaa. waa soo wacaa asna, xaaladi waa uun sidii. bas hooyadi waxa ka dhaadhacday in taleefanka gabadha ka halaabay xaga batery-ga.

Gabadhiina sidaaseey sirteedi amaan ugu heshay, hadhoow camal markii jiifo maagatay beey hooyadi u sheegay in taleefanku ka ciladeeysanyahay caawoo dhan "BETERY LOW" ku hayay. ayaduna waxa aay ku tiri " waan ku ogaa hooyo" ayadoo hoos ka qosleeysa. saaxiibkanaa gadaal baa looga sheegay sida aay wax u jireen iyo duruufaha loogu dhageeystay wicitaanka.

Haddaad ka heshay la wadaag asxaabta Mahadsanid


Xigasho:©Qof aan jecelahay

Comments

Popular posts from this blog

Guubaabo ( Gabay) 09-02-2017.

Afka hooyo {Gabay}:ku saabsan af-soomaaliga

Sooyaalka qorista Far Soomaaliga