Sooyaalka qorista Far Soomaaliga

Afka Soomaaliga waxa uu ka mid yahay afafka ugu saameynta badan ee geeska Afrika, waxaana looga hadlaa 4 dal oo kala ah Jamhuuiyadda Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.
Af Soomaaliga muddo ayaa lagu soo hadlayay, 46 sano ka horna dhawaaq mooyee dhigaal gooniya ma laheyn waana sababta Sooyaalka guunka ah ee Soomaalida mad madowga ihi khilaafku uga aloonsanyahay.
ku dhawaad nus qarni dadaallo lasoo waday ayaa mira dhalay 1972-dii xilligaas oo Af Soomaaligu dhigaal rasmi ah yeeshay.
Marxaladihii ay soo martay qorista Far Soomaaliga
Kacaanka ah in far loo helo Af Soomaaliga si looga baxo ergeysiga afafka qalaad waxaa xooggiisa la dareemay sanadihii kontameeyada waagaas oo uu socday halgankii lagu doonayay hanashada gobanimada.
Waxaa jiray rag xilligaa ka hor isku dayo sameeyay sida, Cusmaan Yuusuf Keenadiid oo maamuli jiray saldanad Hobyo ay xarun u aheyd waagaa. Wuxuu qoray far la oran jiray Cusmaaniya in kasta oo adeegsigeedu uusan fidin, waagii danbana waxaa lasoo shir tagay wiil uu dhalay oo la oran jiray Yaasiin si ay qeyb uga noqoto farihii la xulayay.
Si aan usoo koobno sooyaalkii qorista Far Soomaaliga waxaan u qeybineynaa 3 waji oo kala duwan:-
Xilligii Gumeysiga (1950-1960-kii)
Xiligan waxaa soo if baxay biseyl  umadeed kaas oo ay Soomaalidu ku dooneysay in aayaheeda loo madax banneeyo, waxaa si aad u soo muuqday baahida loo qabo in la helo far qoran oo ay Soomaalidu yeelato,
Waxaa bilowday dadaalkii mira dhalkiisu muddada dheer qaatay, Xuseen Sh Axmad Kadare rag uu ku jiro ayaa howl adag oo is xil qaan ah sameeyay farona soo saaray muddadaas.
Dowladihii Rayadka (1960–1969-kii)
Dalku markuu xuroobay waxaa kordhay dadaalkii hore ee socday rag badan oo hor leh ayaa faro sameeyay, maamulkii Aadan Cadde wuxuu guddi u saaray ka shaqeeya qorista Far Soomaaliga.
Markii dalka xuriyadda qaatay, Waxaa lasoo bandhigay dhowr qoraal waxaa ka mid ahaa farta Shire Jamaac Axmed oo Laatinahayd  iyo faro kale, tanina waxa ay ka dambeysey kadib markii dowladdii xiligaasi jirtey ee madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan ay saartey guddi kasoo baaran dega qoraalka farta Soomaaliga.
  1. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal, Guddoomiye,
  2. Yaasiin Cusmaan Yuusuf – xubin
  3. Maxamuud Saalex (Ladane)- Xubin
  4. Ibraahim Xaashi Maxamuud – xubin
  5. Khaliif Suudi- Xubin
  6. Mustaf Sheekh Xasan- xubin
  7. Shire Jaamac Axmed- Xubin
  8. Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare)- Xubin
  9. Yuusuf Maygaag Samatar- Xoghayn
Ayaan darro. guddigii wuxuu gabay howshii loo igmaday waxaana hareeyay muran ku saleysan farta la qaadanayo nuuca ay noqon doonta iyo cidda laga qaadanayo, madaama raga guddiga ku jira badidii ay faraha sharraxan ayaga lahaayeen.
Waxaa kaloo soo kordhay xasaasiyad ay culumada diintu abuureen oo looga soo horjeeday in la qaatay farta laatiinka ah, oo ay ku macneeyeen “Laa diin” waxaana dhacay banana baxyo lagu dalbanayay in arrintaa aanu guddigu ku dhaqaaqin.
Xilligii kacaanka (1969-1972)
1969-kii Markii uu Kacaanku qabsaday talada waxaa dib boorka looga jafay hankii ahaa qoraalka far soomaaliga oo waayo mugdi ku jiray, bishii 1 aad 1971-kii ayuu golahii sare ee kacaanku dhidbay guddi ka shaqeeya arintaas. Af Aqoolladii loo xil saaray qorista farta waxa ay ahaayeen raggan hoos ku xusan.
  1. Shariif Saalax Maxamad Cali, Guddoomiye
  2. Yaasin Cismaan Keenadiid
  3. Mustaf Sheekh Xasan
  4. Axmed Cali Abokar
  5. Yuusuf Xirsi Axmed
  6. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal
  7. Cabdidaahir Afey,
  8. Aw Jaamac Cumar Ciise
  9. Dahabo Faarax Xasan
  10. Cabdulaahi Xaaji Abuubakar
  11. Cabdullaahi Ardeeye
  12. Xasan Sheekh Muumin
  13. Maxamed Nuur Caalin
  14. Maxamed Xasan Aaden (Gaheyr)
  15. Xirsi Magan Ciise
  16. Cumar Aw Nuux
  17. Cabdullaahi Xaaji Maxamuud (Insaaniya)
  18. Iikar Bannaa Xaddaad
  19. Aaqib Cabdullaahi
  20. Xuseen Sheekh Axmed Kadare
  21. Axmed Cartan Xaange
  22. Maxamed Xaaji Xuseen Sheeko Xariir
  23. Cabdiraxmaan Nuur Xirsi
  24. Shire Jaamac
Waxaa lasoo bandhigay 18 farood oo 11 ka mid ahi curiyeen aqoon yahanno Soomaali ah waxaana ugu caansanaa labadan farood (Kadariya iyo Cusmaaniya), inta kalena 4 waxa ay ahaayeen Carabi 3-da soo hartana laatiin.
Guddigu wuxuu go’aamiyay in la qaato Far laatiin ah, maadaama teebabka yiil ay ahaayeen. Waxay soo saareen far ka kooban 21 shibbane oo 7 ka mid ihi ay laba laabmaan, 5 shaqal iyo Hamsa,
Maxaa xigay?
  • Jannaayo 21 1972-dii waxaa faafin rasmiya lagu soo saaray in afka Jamhuuriyadda Soomaaliya yahay Af Soomaali.
  • Isla 1972-dii waxaa la bilaabay ololohii barista Far Soomaaliga kaasoo gacan weyn ka geystay in la baahiyo qoraalka Farta Soomaaliga.
  • Dhamaan maadooyinka iskuulka in lagu qoro Far Soomaali laguna barto.
Dood taagan
Waagii la hirgalinayay dhigaalka farta Soomaaliga waxaa dalka ka jiray nidaam kaligii talis ah, lama cadeyn habka xulushada farta la qaatay iyo cidii alliftay. waayihii danbe waxaa aad usoo xoogeysanayay dood ah, yaa lahaa fartii la qaatay? Su’aashan ayaa wali maanka dad badan ka guuxeysa, dadkii xog ogaalka ahaana ma jiro raad ay ka tageen.

Comments

Popular posts from this blog

Guubaabo ( Gabay) 09-02-2017.

Afka hooyo {Gabay}:ku saabsan af-soomaaliga