Afka Soomaaliga waxa uu ka mid yahay afafka ugu saameynta badan ee geeska Afrika, waxaana looga hadlaa 4 dal oo kala ah Jamhuuiyadda Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Af Soomaaliga muddo ayaa lagu soo hadlayay, 46 sano ka horna dhawaaq mooyee dhigaal gooniya ma laheyn waana sababta Sooyaalka guunka ah ee Soomaalida mad madowga ihi khilaafku uga aloonsanyahay. ku dhawaad nus qarni dadaallo lasoo waday ayaa mira dhalay 1972-dii xilligaas oo Af Soomaaligu dhigaal rasmi ah yeeshay. Marxaladihii ay soo martay qorista Far Soomaaliga Kacaanka ah in far loo helo Af Soomaaliga si looga baxo ergeysiga afafka qalaad waxaa xooggiisa la dareemay sanadihii kontameeyada waagaas oo uu socday halgankii lagu doonayay hanashada gobanimada. Waxaa jiray rag xilligaa ka hor isku dayo sameeyay sida, Cusmaan Yuusuf Keenadiid oo maamuli jiray saldanad Hobyo ay xarun u aheyd waagaa. Wuxuu qoray far la oran jiray Cusmaaniya in kasta oo adeegsigeedu uusan fidin, waagii danbana waxaa lasoo shir...
Comments