Posts

Showing posts from January, 2017

Maanso Gaaban Oo Jaceeyl ah.

Image
§   jaceeyl waa baraaraha §   marna ba'ane weeyoo §   kaa tuura buur dheer §   hadduu waayo baallaha §   labo garabka buuxisa §   qofka uu kubadanyuu §   ka yeelaa bukaan socod §   anna weeygu baahoo §   baruu iga sameeystoo §   boggeeyguu ku noolyoo §   igamana baxaayee §   wuxuun beey bugsiin kara §   birmadkaaga weeyee §   sidaad kuugu baahnahay §   ma ii baanineeysaa? §   waxaan barasho dumar iyo §   bilis sheekadoodaba §   ka beeyrbeeyro saban dheer §   oo aan wiil buruud loo §   laga baqo ahaadoon §   hadal loogu babac dhigin §   bidhaantaadi loowaad §   basarkiyo eegmadi §   burjigaagu soowtuu §   sidii baraf cadceedsaday §   iga dhigay bar kuma taal §   ama sida biyoo kale §   waxse aanan beeneeyn §   sidaad iigu baaqdiyo §   birmadkaad isiisoo §   baal dahaba ii galay §   xisaha...

Qormo Gaaban: Suugaanta iyo Nolosha Soomaalida

Image
Waxaa jira xaqiiqooyin badan oo aay daabacaan baarshaaya arimaha bulsha cadaan iyo madoow keey doonaan ha ahaadaane kuwaasoo laga qoro arimaha soomaalida, waxaayna ubadan yihiin dhaliilo muujinaya in bulshada soomaalidu wali aanay gaarin heerka biseeylka dunida maanta oo aay ka danbeeyaan qarniyo dadka aay xiligan wada noolyihiin. Waxaase dhab noqotay oo uu daahu qarin waayay hodonnimada suugaanta soomaalida, qoraayaashi u dhaba galayna aay ku sheegaan in soomaalidu tahay bulsho hadal oo la nool suugaan dahabiyo oo aah duugoobeeyn xili walbana la saanqaadi karto wacyiga nolosha ee jira. Hal-abuurka soomaalidu waxa uu caan ku yahay cabirka dareen walba oo aay leehaday bulsha si farshaxameeysan ayagoona soo gudbiya aragtiyo marka aay arkaan dadka yaqaan philosophy-ga aad u ashaqaraan mararna loo arko in soomaalidu yihiin gadigood cabqari xaga heli-ogaanta murtida. Dhanka kale soomaalidu maada aanay ahaan jirin dad wax qora waa diiwaan kaliya ee maanta laga dhaadan ka...