Qormo Gaaban: Suugaanta iyo Nolosha Soomaalida
Waxaa jira xaqiiqooyin badan oo aay daabacaan baarshaaya
arimaha bulsha cadaan iyo madoow keey doonaan ha ahaadaane kuwaasoo laga qoro
arimaha soomaalida, waxaayna ubadan yihiin dhaliilo muujinaya in bulshada
soomaalidu wali aanay gaarin heerka biseeylka dunida maanta oo aay ka
danbeeyaan qarniyo dadka aay xiligan wada noolyihiin.
Waxaase dhab noqotay oo uu daahu qarin waayay hodonnimada
suugaanta soomaalida, qoraayaashi u dhaba galayna aay ku sheegaan in soomaalidu
tahay bulsho hadal oo la nool suugaan dahabiyo oo aah duugoobeeyn xili walbana
la saanqaadi karto wacyiga nolosha ee jira.
Hal-abuurka soomaalidu waxa uu caan ku yahay cabirka dareen
walba oo aay leehaday bulsha si farshaxameeysan ayagoona soo gudbiya aragtiyo
marka aay arkaan dadka yaqaan philosophy-ga aad u ashaqaraan mararna loo arko
in soomaalidu yihiin gadigood cabqari xaga heli-ogaanta murtida.
Dhanka kale soomaalidu maada aanay ahaan jirin dad wax qora
waa diiwaan kaliya ee maanta laga dhaadan karo sooyaalkii umadan iyo sidii aay
u nooleeyd wayaheedi hore ayadoona la helayo suugaan afmaalkii guntay uu ku
asteeyay dhacdo uu ujoogay amuu oday ka soo gaaray.
Nasiib xumo ayadoo taasi aay jirto ayaa hadana waxaa la
saadinaya dabar go’ looga baqdin qabo Af-soomaaliga dadka wax odorosaana aay u
aaneeynayaan adeegsi li’ida xaga qoraalkaa taasoo dhalin karta in amin walbaa
aay meesha ka baxayaan arayada uu yaraado isticmaalkoodu, maadaama aanay jirin
goosan isu dheeli tira erayada cusub ee ka imaanaya afafka qalaad iyo kuwa sii
gabaawsiyaya ee afka.
Taariiq ahaan hal-abuura soomaaligaa waxa uu kulahaa noloshii
soo jirtay ee umaddan kaalin muuqata hadeey ahaanlaheeyd mid wanaagsan oo la
mahdiyo iyo mid laga qoomamoodo ciribteeda. Waxaa laga heli jiray qolyo ku maman difaaca afeed iyo
guubaabada beesha xiliyada colaadaha, sidoo kalena waxaa hal-doorro
indheergarad ahaa oo u adeegsan jiray suugaantooda daminta iyo xal uhelida
dhiiga sokeeye ee qubanaya.
Marki lasoo gaaray xiligii gumeysiga iyo waqtiyadii ka
danbeeyay waxaa soo muuqday kaalin cusub oo ahaa ka hadalka danta umadeed iyo
wax qabsiga, hal-gannadii umaddu u gashay gobonimadeedana waxa aay kasoo
dhalaaleen door ifiyay oo la mahdiyo illaa maantadan.
Ka hor burburkiina doowladihii soo maray dalka weey
adeegsadeen haba ugu badnaato tii aheeyd kacaankoo ka yeelay wadiiqo aay
bulshada kaga dhaadhicido mabaadii’di aay wadatay balse ugu danbeeyntiina
duminteedi fanku hormuud ka noqday.
Maanta dad badan oo ra’yi-maala ayaa baqa aragtida ah in
hal-abuurka suugaaneed uu qeeyb ka noqon karo isu soo dabaalidda bulshadan
soomaaliyed, muhiimna aay tahay in cid walba oo ah hogaan aay dhiiri galisto
sidii wahsiga looga saari lahaa awoodaha caaboon eek u keeydsan suugaanyahanka
nool.
Comments