Maanso Gaaban Oo Jaceeyl ah.
§ marna ba'ane weeyoo
§ kaa tuura buur dheer
§ hadduu waayo baallaha
§ labo garabka buuxisa
§ qofka uu kubadanyuu
§ ka yeelaa bukaan socod
§ anna weeygu baahoo
§ baruu iga sameeystoo
§ boggeeyguu ku noolyoo
§ igamana baxaayee
§ wuxuun beey bugsiin kara
§ birmadkaaga weeyee
§ sidaad kuugu baahnahay
§ ma ii baanineeysaa?
§ waxaan barasho dumar iyo
§ bilis sheekadoodaba
§ ka beeyrbeeyro saban dheer
§ oo aan wiil buruud loo
§ laga baqo ahaadoon
§ hadal loogu babac dhigin
§ bidhaantaadi loowaad
§ basarkiyo eegmadi
§ burjigaagu soowtuu
§ sidii baraf cadceedsaday
§ iga dhigay bar kuma taal
§ ama sida biyoo kale
§ waxse aanan beeneeyn
§ sidaad iigu baaqdiyo
§ birmadkaad isiisoo
§ baal dahaba ii galay
§ xisahaagu igu badan
§ xusuus aan boor iyo
§ yeelaneeyn basaasiyo
§ jaceeyl aanan baabi'in
§ yaad igu beertaye.
§ bushaaradi nafteeydaay
§ beegsiga hankeeygaay
§ bilad aan ku faanaay
§ waxaan ciil ka baxayaa
§ barqadaan midoownoo
§ farxadeeydu buuxsami
Comments