Posts
Showing posts from 2017
Aaskii Qabyaalada ee xiligii kacaanka (Sheeko Gaaban)
- Get link
- X
- Other Apps

Hadda ka hor waqtigii kacaanku soomaaliya ka talinaayay baa waxaa la yiri meel-fagaaro ah baa la isugu yimid si loo xabaalo qabyaalada, dadkuna dhamaan wuxuu u arkayay ineey tahay xal. Balse ayadoo duugisti loo joogo baa waxaa yimid nin aan u war heeyn arinta socoto balse soo raacay dadka buuqa iyo dadkan badan ee kobta ku soo ururay. Ninkiibaa xuuraansi iyo toyosho ka dib ogaaday in la doonayo in la aaso qabyaalada baas umadda kala fogeeysay, si loo helo Midnimo iyo is jeceeyl. Ninkiibaa intuu orday isdul taagay xabaashi ayadoo ciidi lagu bilaabay, markuusbuu inta afka labadiisa yeeray ku qeeyliyay “ ka joogaaaaay yaaan la duugineeeeeeey” mar kaliyaa waxaa is rogay dareenkii dadkii u jadbeeysnaa ciribtirka qabyaalada, caradi warkii ninka aay ka qaadeen beey xagiisa isusoo maqiiqeen waxeeyna ku sigteen ineey nafta weeysiiyaan. Nasiibwanaagse waxaa kala dhexgalay ciidamdii goobta joogay, markii xaaladi la dajiyay baa ninkii wareeysi loogu dhaqaaqay. Waxaa la wee...
Guubaabo ( Gabay) 09-02-2017.
- Get link
- X
- Other Apps
Tixdan waxa aan tiriyay Habeenkii doorashada maalintii xigtay, waana guubaabo, hanbalyo iyo dardaaran ka bogosho wacan. 1. Waayaahanba gabay leeyga waa iyo jiifto meel gal ehe 2. Ilaamaa gugii aan ka nimid waa nigii galine 3. Waa nigii ka gabshoo xanibay gabi ahaantiise 4. Maantase inaan soo gudbiyo ii gudboontahay 5. Guushuu shacbigayaga heluu goluhu soo hooyay 6. Geearaaro iga mudan iyo inaan sumad ku gaaryeelo 7. Gabre iyo waxaan xabashi tusay nimanka gaagaaban 8. Gumeeysigi dahsoonaa wixii xalay la gaarsiiyay 9. Shisheeyaha garneeylkii heluu wali la gaabsaayo 10. Kukuuyadii gadii lagu falaan farax gariiraa e 11. Golaheena shacabkiy...
"BATTERY LOW" Sheeko Xiiso badan.
- Get link
- X
- Other Apps

Gabadhu waa ka baqi jirtay hooyadeed sababtoo ah dabo-gal ba'an ayeey ku heeyn jirtay. waxa aay aheeyd arday wax barta, saas ooy tahay hadana waxaa jiray wiil aay sheeko ka dhexeeysay oo aay aad isugu dheeraayeen cabsida aawgeedna waxa aay la dhuuman jirtay Mobile-ka marka aay dooneeyso ineey lahadasho fiidkiiba haaw badnaatee. Hooyadu si aay gabadha u mashquuliso ayeey dhihi jirtay kolka hoowsha ka yaraato fiidkii "iska aqri casharadi aad soo qaadatay maantay". gabadhuna gudaha ayeey gashaa saaxiibkeed uun beey aqridaa ayana. Marki danbe hooyadi ayaa waxa aay dareentay in gabadhu duruus kale muraajaceeyso Mobile-kuna macalin ka yahay, inta aay timid beey ku tiri " hooyo talefanku wuu ku mashquulinayaaye keen aan kahayee inta aad casharada aqriyeeyso hadhoowna iga qaado". ileen xiliga jiifka hooyada iyo gabadhu weey wada seexdaan. Intaas marki aay maqashay baa inanti kurbo leeysugu keenay, saa waxa aay ogtahay in taleefoonka lasoo wacayo hooya...
Maanso Gaaban Oo Jaceeyl ah.
- Get link
- X
- Other Apps

§ jaceeyl waa baraaraha § marna ba'ane weeyoo § kaa tuura buur dheer § hadduu waayo baallaha § labo garabka buuxisa § qofka uu kubadanyuu § ka yeelaa bukaan socod § anna weeygu baahoo § baruu iga sameeystoo § boggeeyguu ku noolyoo § igamana baxaayee § wuxuun beey bugsiin kara § birmadkaaga weeyee § sidaad kuugu baahnahay § ma ii baanineeysaa? § waxaan barasho dumar iyo § bilis sheekadoodaba § ka beeyrbeeyro saban dheer § oo aan wiil buruud loo § laga baqo ahaadoon § hadal loogu babac dhigin § bidhaantaadi loowaad § basarkiyo eegmadi § burjigaagu soowtuu § sidii baraf cadceedsaday § iga dhigay bar kuma taal § ama sida biyoo kale § waxse aanan beeneeyn § sidaad iigu baaqdiyo § birmadkaad isiisoo § baal dahaba ii galay § xisaha...
Qormo Gaaban: Suugaanta iyo Nolosha Soomaalida
- Get link
- X
- Other Apps

Waxaa jira xaqiiqooyin badan oo aay daabacaan baarshaaya arimaha bulsha cadaan iyo madoow keey doonaan ha ahaadaane kuwaasoo laga qoro arimaha soomaalida, waxaayna ubadan yihiin dhaliilo muujinaya in bulshada soomaalidu wali aanay gaarin heerka biseeylka dunida maanta oo aay ka danbeeyaan qarniyo dadka aay xiligan wada noolyihiin. Waxaase dhab noqotay oo uu daahu qarin waayay hodonnimada suugaanta soomaalida, qoraayaashi u dhaba galayna aay ku sheegaan in soomaalidu tahay bulsho hadal oo la nool suugaan dahabiyo oo aah duugoobeeyn xili walbana la saanqaadi karto wacyiga nolosha ee jira. Hal-abuurka soomaalidu waxa uu caan ku yahay cabirka dareen walba oo aay leehaday bulsha si farshaxameeysan ayagoona soo gudbiya aragtiyo marka aay arkaan dadka yaqaan philosophy-ga aad u ashaqaraan mararna loo arko in soomaalidu yihiin gadigood cabqari xaga heli-ogaanta murtida. Dhanka kale soomaalidu maada aanay ahaan jirin dad wax qora waa diiwaan kaliya ee maanta laga dhaadan ka...